|

“Beeshayda dhulbahante tabashooyin ayaan ka jira… waxaanu sheegayaa in Beesha dhexa Ee Isaaq isbaarooyin badan laga qaaday..”Cali Sandule DAAWO

Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Mudane Cali Maxamed Sandule ayaa markii kowaad ka hadlay dareenkiisa ku aadan Xil ka qaadistii uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay.
Wasiirkii hore ee Wasaarada arrimaha qoyska Cali Sandule, ayaa sheegay innuu ku qanacsan yahay xil ka qaadista, isla markaana wuxuu sheegay innaanu marnaba ka tegay qadiyada madax-bannaanida Somaliland.

Cali Sandule oo warbaahinta ugu warabayey magaalada Hargeysa waxaanuu u dhignaa sidan :-“Xisbiga Kulmiye sidii baan u ahey oo kama tegayo, isagaan u ololaynayaa. Waad og tihiin beeshayda dhulbahante tabashooyin ayaan ka jira, way soo socotay marba meel ayey soo maraysay oo ay soo baaxad degaysay.”

Cali Sandule wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Waxa iga lilaahiy innaan waligay ahaanayo Somaliland oo aan ka tegayn. Beesha dhexa waxaan u sheegayaa in isbaarooyin badan laga qaaday oo hor yaala, markaa waxaan u sheegayaa in la soo wado dadka .”

Comments are closed