Catalonia 02. October 2017 (SDN/QJ):- Boqolaal qof ayaa lagu dhaawacay ka dib markii Booliska Spain uu xoog u adeegsaday dad cod ka dhiibayey afti madax bannaani loogu qaadayey gobolka Catalonia ee dalka Spain.
Haweenayda Duqa ka ah magaalada Barcelona ayaa sheegay inuu dhaawacu cagagaynayo 460 qof, waxaanay ku eedaysay ciidanka Booliska inay adeegsadeen xoog iyaga oo cabudhinaya xorriyada shacabka Catalonia. Dawlada Isbayn ayaa hore u dhawaaqday inay aftida joojin doonto maadama oo ay maxkamada distoorigu sharci-darro ka dhigtay aftida.
Saraakiisha Booliska ayaa dadka ka horjoogsanayey inay codeeyaan waxaanay gacanta ku dhigeen sanaaduuqda codeynta ee yaalay goobaha codbixinta. Caasimada goboleedka Catalonia ee Barcelona waxa isku dhacay dibad-baxayaal taageersan aftida iyo booliska, waxaanu boolisku adeegsanayey xabbad rabadhka iyo suntan qiiqa, si ay u kala kexeeyaan dadka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Isbayn ayaa sheegay inay rabshadaha ku dhaawacmeen 12 sarkaal oo boolis ahi, ilaa haddana la xidhay saddex qof. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in 92% goobihii codbixinta albaada loo laabay.
Ciidamo kala duwan ayaa loo daadgureeyey gobolka Catalonia, si ay ula tacaalaan rabshadaha ay dhigayaan dadka taageersan aftida madax bannaanida ee gobolka Katolooniya.
Hogaamiyaha gobolka Catalonia ayaa sheegay in rabshadaha ay ku kaceen dawlada Isbayn aanay joojin doonin rabitaanka shacabka gobolka Catalonia. Raysal wasaare ku xigeenka dalka Isbayn ayaa sheegay inay boolisku u dhaqmeen qaab xirfad ku dhisan iyo hannaan hufan, sidoo kale Raysal wasaaraha Isbayn ayaa warbaahinta u sheegay in codeynta gobolka Catalonia ay distoorka dalkiisa ka soo horjeedo.

