|

Burco waa laga been sheegay!

Farxad wayn ayay ii ahayd inaan markii iigu horreysay aan si rasmi ah u tago magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer anigoo halkaasi kusoo qaatay maalmihii farxadda ciidda ee bisha barakaysan ee ramadaan.

Burco waa magaalo si wayn looga yaqaanno guud ahaanba dhulka Soomaalida iyadoo magaaladani ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waawayn ee Soomaalida isla markaana horumarku ka socda.

Magaalada Burco waxa ka socda horumarro kala duwan oo ay ugu horreeyaan dhismayaasha guryaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha [Wallow aanay xawli ku socon] waana magaalo ballaadhan oo dhan walba u fidday isla markaana bulsho tiro badan ay ku noolyihiin.

Magaaladan waxa si wayn looga faafiyay dacaayado aan anigu ku tilmaami karo in ay yihiin kuwo rakhiis ah isla markaana aan qabanin magaaladani, kuwaasi oo inta badan dadka soomaaliyeed kuwooda aan arkin magaaladani ay aaminsanyihiin.

Dacaayadaha magaaladan laga faafiyay ee aan aniguna ka mid ahaa dadka aaminsan inay sidaas wax uga jiraan waxa ka mid ahaa; in magaalada Burco inta ugu badan dadku ay wada sittaan Tooray ama Abley taasi oo dadku ay isku dagaallaan isla markaana dadka magaaladan joogaa ay yihiin kuwo hadal badan oo dhamaantood buuq iyo sawaxan u saaxiib ah, Anigoo niyadda ku hayay arrimahaasi oo dhan ayaa waxaan ku jiray Feejignaan tii ugu sarreysay [KKK]. Balse arrintaasi iyo wax ku dhow toona kuma soo arkin magaalada Burco ee waxaan soo arkay waxay ahaayeen dad iyo magaalo danahooda ku fooggan isla markaana aanay jirin cid Tooray sidata oo dhib ka wada magaalada.

Burco waxaan kusoo arkay dad kalgacayl iyo wanaag tiro beel ah u saaxiib ah isla markaana si diiran kuu soo dhaweynaya [Wallow aanay tani ahayn Burcadii aan maskaxda ku haystay].

Sidoo kale dacaayadaha magaalada Burco laga faafiyay ee aan filaayay in aan soo arki doono waxa ka mid ahaa;’ in magaalada Burco ay u kala qaybsantahay laba qaybood isla markaana uu jiro Khad cagaaran oo labadaas daamood u kala dhaxeeya haddii aad u kala gudubto labadaas daamoodna lagu dili doono, balse Burcadii aan soo arkay may ahayn mid laba ah ee waxay ahayd mid hal isku ah.

Burco waa magaalo boodh wayn oo waxa jirta siigo aad u badan iyo dabaylo aan kala gp’ lahayn; taasina waa dacaayad kale oo laga faafiyay magaalada Burco [Xilliga xaggaagu uu daran yahay anigu ma ogiye].

Baahiyaha Magaalada Burco

Magaalada Burco oo ah magaalo wayn waxa ay leedahay baahiyo aad u tiro badan oo u baahan in wax laga qabto, sida in magaalada Loo sameeyo ciidan Taraafiko ah oo gaadiidka waddooyinka waawayn ee magaalada kala haga waayo intii aan joogay kuma arkin magaaladaasi ciidanka nabad-gelyada waddooyinka – sida la ii sheegayna ciidankaasi kuma badna magaalada amaba si fiican ugama hawl-galaan.

Sidoo kale magaalada Burco waxa ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee u baahan in wax laga qabto Laydhka ama Korontada oo meelaha qaar ka maqan maalintii oo dhan taasi oo magaalada dib u dhac ku keeni karta waayo adeegsiga korontadu nolosha habeenkii iyo maalintiiba waa u muhiim waana  lagama maarmaan.

Ugu danbeyntii, hadalkayga waxaan kusoo afmeerayaa ‘’Burco dad baa ku nool’’ oo aan ula jeedo Burco dad wanaag iyo khayr badan u saaxiib ah ayaa ku nool.

Waad mahadsantihiin dhammaantiin – Nabaadiinno.

Khaalid Foodhaadhi

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Hargeysa, Somaliland.

 

Comments are closed