|

Weerar Xalay Lagu Qaaday Laanta Buuro

Muqdisho,11,7,2016 (QJ/SDN) – Weerar ayaa xalay ay xarakada Al-Shabaab ku mirtay xarunta ciidamada ee Laanta Buuro. Wararka ina soo gaaraya ayaa xaqiijinaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah intaba jiraan.

Saldhigaas Laanta Buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose oo fariisin u ahaa ciidamada dawlada ayaa waxaa wararku sheegayaan in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qabsadeen inkastoo xaqiijin aan arinkaa loo heyn.

Abaare 1.30 xalay ayaa weerarku dhacay; sidii looga bartayna qarax ayuu ku bilowday Al-Shabaab ay halkaa ku qarxiyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Hubka fudud iyo kan culus ayaa laysku adeegsaday ayadoo dadka deegaanka ah ay sheegeen inay aad u maqlayeen hugunka hubka culus ee laisu adeegsaday. Dhowr qof ayaa ilaa iminka la xaqiijinayaa inay halkaa ku dhinteed oo dhinacyadii dagaalamayay ah tiro intaa kabadana ay halkaa ku dhaawacmeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maleeshiyaadka Al-Shabaab dhowr gaari ay ugu dambeyntii halkaa ka qaateen.

Bishii Maarso ee sanadkaan, Al-Shabaab ayaa isla xaruntaa weerartay. Bishaa Maarso ayaa halkaa waxaa  maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka qaateen hub aad u fara badan.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa bartilmaansada meelo badan oo ay ka mid yihiin hoteelada iyo xeryaha ciidamada.

Comments are closed