|

Buuhoodle: Dhimasho & Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Uu Sababtiisa Leeyahay, Gacan Ku-dhiigle Beeshiisu Diidday In La Qisaaso

Buuhoodle 20. August 2017 (SDN/QJ):-Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, waxa Shlay Dagaal ku dhex maray Maleeshiyaad ka kala tirsan Laba Beelood oo Halkaasi wada dega.

Dagaalkan oo Magaalada Gudaheeda ka qarxay, ayaa waxa ku dhintay Dad Tiradooda lagu kala sheegay inta u dhaxaysa 3 illaa 10 Qof iyo dhaawac intaa ka badan.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay Nin dhawaan halkaasi lagu dilay, kaasi oo Beesha uu ka dhashay doonayso in loo Qisaaso Gacan ku dhiiglihii Dilkiisa geystay, laakiin Beesha Gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegay inay Diidday inay soo qabato Gacan ku dhiiglaha si loo Qisaaso, taasina waxay sababtay in labada Beelood ee midna Ninka laga dilay, midna Dilka loo haysto uu ka dhex qarxo Dagaalkan khasaaraha badan sababay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ku sugan Magaalada Laascaanood oo Colaaddan ka hadlay, ayaa  mar uu Shalay u warramay Telefiishanka Eryal wuxuu sheegay in Dagaalkan ay ku dhinteen 10 Qof, dhaawacununa intaa ka badan yahay. “Halkaa waxa ka socda Dagaal fool xun oo laba Beelood u dhexeeya, aadna waanu uga wer-wer qabnaa inuu deegaannada kale ku fido. Illaa inta aan ogahayna waxa ku dhintay Dad Tobaneeyo Qof ku dhow, Dad badanna waa dhaawac.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo u warramay Telefiishanka Eryal.

Wasiir Faratoon oo la waydiiyey inay illaa hadda wax Ciidamo ah oo labada Beelood kala dhex gala u direen halkaa, ayaa sheegay in aanay weli Dawladdu wax Ciidan ah u dirin Buuhoodle, si ay Dagaalkaa u joojiyaan, isagoo sababta ay ugu diri waayeenna ku sheegay inay ka tashanayaan, maaddaama buu yidhi Buuhoodle tahay Goob furin ah isla-markaana ay ku sugan yihiin Ciidamo kala siyaasad duwan, kuwaasi oo qaarkood doonayaan in aanay Nabadi ka hirgelin Buuhoodle. “Weli Ciidan maanaan kala dhex dhigin, laakiin imika (Shalay) ayaanu eegaynaa wixii noo Suurto-gal ah, Waayo? meesha waad ogtahay inay joogaan Taliyeyaal xun oo badan, oo aan doonayn inay meeshaasi Xasisho, dhinacyo badan iyo Siyaasiyado badan oo is-hirdiyayaa joogaan, markaa waanu ka fiirsanaynaa sidii aanu u geli lahayn, imikana (Shalay) Xabadda ayaa socota..”ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isla Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in Dadka Dagaalkaa ku dhintay Tiradoodu dhan tahay 3 Ruux, Dhaawacuna yahay 10, lana geeyay Cisbitaallada Magaalada Buuhoodle.

Labada Hadal ee Wasiirka Arrimaha Guduhu ku kala sheegay Tirada Dadka ku dhintay Dagaalka Buuhoodle, ayaa muujinaysa in Xukuumadda Somaliland aanay xog rasmi ah ka haynin waxa Buuhoodle ka dhacay.

Dhanka kale, qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Beesha Dhulbahante ee ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa baaq Nabadeed ka soo saaray Colaaddan ka qaraxday Buuhoodle.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Haddaanu nahay Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta waxaanu leenahay Colaadda sida lama filaanka ah uga Qaraxday Buuhoodle, waxaanu leenahay intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawacantayna ha u boogo-dhayo. Reer Buuhoodle waa Rag dhimasho yaqaan, oo Dhaawac yaqaan, Sharcina wuu u yaalay, kaasi oo ah in la dilo Ninkii dila Nin, oo Saddex Cisho ka horba Saddex Nin oo Ilmaadeer ah ayaa la isku ag aasay, aad baanu uga xunnahay in Nin dilay Nin ay Colaaddiisii halkaa marayso. Wixii dhacay way dhaceen, ee wax kale yaanu lagu darin.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac oo isaguna Arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Dadkaa Walaalaha ah waxaanu ugu baaqaynaa inay si Shuruud la’aan ah Dagaalkaa u joojiyaan.”

Comments are closed