|

Caleemo-saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Galaal

SULDAAN GALAAL.

Hargeysa,20,7,2016 (QJ/SDN) – Waxa labadiii biloood ee udanbeeyay socotaay  qabanqaabada Caleemasaarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Galaal taaasi oo si xoogan  loogadareemayay gobalda dalka gudihiisa iyo Dabadiisa , Siiba Gobalada Marooodijeex,Oodwayne iyo Togheer, Caleema saarka Suldaaan Sakariye suldaan Maxamed Galaal Waxa uu si Rasmiya uga qabsoomayaa Maalinta Arabacada 20. July.2016 Magaaada QOTAN ee Dhecda koonfurbari Gobalka Maroodijeeh,Caleemasaarka Suldaan Sakariye waxa lagu soo Macsuumay Dhamaan Hogaanka Madaxda dhaqanka Bulshada Soomaliland maadama madashu tahay madal dhaqan, sidoo kale waxa lagu soo Casuumay Madaxda Xukuumadeena,aqoonyahano,Dhalinyaro,waayeel,Haween iyo dhamaan Bulshaywaynta Somaliland taas oo madashu ufurantahay sidiirana loogu soo dhawaynaayo ,Waxa sidoo kale xaflada caleemasaarka Madashan Barakaysan ee Caleemasaarka Suldaanka lagu soo casuumay Martisharaf iyo madaxdhaqameed kasocda Kilalka shanaad ee Ethiopia,Madaxdhaqameed iyo  Martisharg kasocota Puntland iyo Koonfurta soomaliyada.

 

WAAKUMA SULDAAN SAKARIYE SULDAAN MAXAMED

Waxaynu ducada iyo farxada isku waraysandoonaa Madasha Barakaysan ee Tolmoon ee Caleemasaarka Suldaanka Halakaas oo xiisaheeda leh

Hadaba Suldaan sakariye wuxuu kasoo jeedaa Qoyscaana oo aqoonta ku abtirsada Alle haw unaxriisto Aabihii oo uu kadhaxlay Saldanada waa Suldan Maxamed Suldaan Galaale oo kugeeriyooday Magalda Barakaysan ee (MAKA Xaramka ama Xajka) sanadkiii Hore,sidooo kale awoogiii iyo qoskiisa guud oo aad ugu macruufa gayiga Soomalida.

Suldaan Sakariye waa suldaanka ugu dada yar suldaamada Somaliland waa 18 jir, xaafudul quraana,Maansha Allaah Allow Barakeee, aqoonyahna,Degan kusoo Barbaaray qosys saaxibul cilmiya karaama leh ,leh hidihii wanaagsanaa ee aabihii iyo awawyaashii,

Waa inooo iyo madasha Barakaysan iyo Caleema saarka Suldaanka

Dr.Mohamud Yusuf Ismail

Email:Drmohamudyusuf@gmail.com

Cell Phone:0634407828

 

Comments are closed