|

SAWIRRO: Dowladda Masar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday Hub iyo Gaadiid dagaal

Muqdisho,20,7,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Masar ayaa maanta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid iyo Sahnad Ciidan oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Danab.

Danjiraha dowladda Masar u fidhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa munaasabadda ka sheegay in saanadda Ciidan ay isugu jirto Gaadiid Ciidan, Gaadiidka Gurmadka degdegga ah, iyo Qoryo loogu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka Kummaandooska Soomaaliya.

“waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, Hubkaan iyo Gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka deg degga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan uga qeybqaadaneynaa howlaha dib u dhishka ciidamada Soomaaliya”ayuu yidhi Mudane Waliid.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Sh Cali Diini ayaa u mahadceliyay dowladda Masar isagoo xusay in Dowladda iyo Shacabka Masar ay soomaaliya ka caawiyeen dhinacayada Waxbarashada, Caafimaadka iyo tababarka Ciidamada.

“Danab ayaa isticmaalaya, aad baan uga mahad celinaynaa dawlada Masaarida oo weligeed ka taageeri jirtay Shacbiga iyo dawlada Soomaaliya dhanka Waxbarashada, Tababarada Ciidanka iyo caafimaadka”, ayuu yiri Gen Diini

Safiirka Masar wuxuu sidoo kale sheegay in taageerada masar aysan intaa ku ekaandoonin, ayna xigi doonaan barnaamijyo kale oo loogu talagalay hormarinta Soomaaliya








Comments are closed