|

Ciidamada Qaranka Somaliland oo Amar Buuxa Lagu Siiyay inay Joojiyaan Colaada Deegaanka Gobolka Sanaag DAAWO

Hargaysa 03.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka la siiyey awaamiir Madaxweyne oo lagu farayo in ay awoodooda Sharci ay u isticmaalaan cid kasta oo ka hortimaadda nabadaynta laga dhex bilaabay beelaha ku dagaalamay deegaano ka tirsan Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cismaan cabdilaahi saxardiid (Caddaani) ahna afhayeenka Xukuumada oo shir jaraa’id maanta oo jimce ah ku qabtay xafiiskiisa waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dhibaatadii halkaa ka dhacday waxana uu ku celiyey baaq nabadeed oo lagaga dalbanayo labada dhinacinay ka fogaadaan xumaanta isla markaana u dhego nuglaadaan weftiga halkaa ku sugan iyo waxgaradka kale ee ku jira hawsha wax ka qabashadeeda, xili ciidamada qalabka sidana la faray in ay talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo lagu arko inay hub sitaan ama ka horyimaadda hawsha waanwaanta nabadeed ee la wado.

Comments are closed