Buuhoodle 26. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Punt Land Qaybtooda Magaaladda Buuhoodle ayaa Dhoola Tus Ciidan ka sameeyay Magaaladaasi Iyagoo ku soo bandhigayay Cududa ay ku Leeyihiin Magaaladda Buuhoodle.
Horjoogaha Ciidankan iyo Saraakiil Kale oo Warbaahinta La hadlay ayaa uga digay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh inaanu Iman Magaaladdaasi Waxaa kale oo ay fariin ergo ah u direen beesha uu ka soo Jeedo Prof Galaydh.
