Qudus 19. June 2017 (SDN/QJ):-Saraakiisha dalka Israa’iil ayaa sheegaya in ay ciidamada Israa’iil ku dileen magaalada Qudus seddex dhalinyaro oo Falastiiniyiin ah, ka dib markii mid ka mid ahi dhalinyaradaasi uu Tooray ku dilay gabadh ka tirsan Booliiska Israa’iil.
Shilkan oo ka dhacay deegaanka Qudustii hore waxa ay saraakiisha Israa’iil intaasi ku dareen in labada Falastiin ee kale la dilay markii digniin laga helay in ay weerar kadis ah la damacsanyihiin saraakiil Booliiska Israa’iil ka tirsan.
Dhinaca kale, xukuumada Israa’iil ayaa sheegaysa laga bilaabo sanadkii 2015kii ay gaadhayaan ilaa 42 qof oo Isra’iiliyiin ah kuwaas oo ay Tooray ku dileen dhalinyaro Falastiin miidaamo ah, oo ka soo jeeda ururka xamaas ee ka taliya daanta Qasa, halka Falastiinta la dialyna ay gadhayaan ilaa 240 qof.

