|

Cudur Halis Ah Oo Ka Dilaacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Maxaabiis u Geeriyootay

Muqdisho 25. June 2017 (SDN/QJ):- Cudurka shuban biyoodka ama daacuunka ayaa ka dilaacay xabsiga dhexe ee Muqdisho oo ay ku jiraan in ka badan kun maxbuus oo dembiyo kala duwan loo soo xiray.

Labo ka mid ah maxaabiista xabsiga ku xirnaa ayaa u geeriyooday cudurka shuban biyoodka iyadoo sagaal kale ay la ildaran yihiin cudurkaasi.

 

Waxaa laga cabsi qabaa in cudurkan oo ka mid ah cudurada la isqaadsiiyo uu ku faafo maxaabiista kale ee xabsigaas ku xiran.

 

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa xaqiijiyay in cudurka shubanka uu ka dilaacay xabsiga ayna socdaan dedaalo lagula tacaalayo maxaabiista uu soo ritay.

 

Waxaa uu sheegay in maxaabiista la ildaran cudurkan ay u fidiyeen dhamaan gurmadkii caafimaad ee loo baahnaa lana karantiilay si uusan ugu faafin Maxaabiista kale.

 

Marka laga soo tago xabsiga dhexe cudurkan shuban biyoodka ayaa fara ba’an ku hayay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shacabka magaalada Muqdisho, waxaana maalin walba la geeyaa goobaha caafimaadka dad waaweyn iyo caruur uu soo ritay cudurkan.

Comments are closed