|

“Cuqaashu Waa Dadka Nagaga Gudban Bulshada, Waxaanannu Ka Wadahadlaynay Tabasho La Xidhiidha…” Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Cuqaasha Beelaha Somaliland, ayaa kulan cabasho ah la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha, oo ay kala hadleen gunnadii ay qaadan jireen oo laga joojiyey, iyaga oo laga saaray Liiska Joogtada ah ee Shaqaalaha dawladda, isla markaana lagu daray liiska shaqaalaha aan joogtada ahayn sida uu sheegay Wasiiru-dawlaha arrimaha guduhu.

Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha ee maamulka gobollada iyo degmooyinka Maxamed Muuse Diiriye oo Saxaafadda la hadlay shalay, ka dib markii ay ka soo baxeen kulan shalay ku dhex-maray Hargeysa, ayaa sheegay inay Cuqaasha ka wadahadleen tabasho la xidhiidha gunnooyin ay qaadan jireen oo ay dalbanayeen in loo kordhiyo iyo in lagu soo celiyo liiskii barmalka ahaa ee ay dawladda ugu jiri jireen oo uu xusay in loo beddelay liis aan joogto ahayn.

“Cuqaasha waxaannu ka wadda-hadalay xidhiidhaddii naga dhaxayn jiray ee awal-ba ahaa nabadgalyada iyo wixii la hal-maalaa. Gaar ahaan waxaannu ka waddahadallay tabashooyin iyaga ka yimi oo waannu ka heshiinnay arrintaa, waa hoggaan dhaqameedkii Ummadda oo Cuqaasha ayaa Ummada ka masuul ah, iyagaa isu-keena, iyagaa wax u kala qaada, iyagaa u garnaqa. Sida aynu ogsoonnahay Garaha ay iyagu qaadaan ee ay dadka ku heshiisiiyaan iyo kuway Maxkamaddu qaaddo 80% kuwa Cuqaashu qaaddo ayaa badan.

“Waa dadka nagaga gudban dadka, runtii si wanaagsan baannu u waddahadalnay oo tabashooyinkooda waxa ka mid ahaa gunnooyinkii oo ay lahayeen muddo dheer ha naloo kordhiyo oo waannu ka garawnay oo waxaannu nidhi; ‘waan idiin hawl-galaynaa’ waxa dhacay Abaaro, doorashooyinkii oo innagu soo socda iyo Xukuumadda oo culays saaran yahay.”

“Markaa, waxaanu ku idhil; ‘dulqaata maantana’. Cuqaashu waxay ahaan jirtay shaqaale dawladeed oo waxay ku jir-jireen Liiska joogtada ah, waxa loo beddelay Shaqaalaha aan joogtada ahayn, runtii taa waan uga garaabay oo Madaxweynaha waan kala hadlayaa.”

Comments are closed