|

C/WELI GAAS: Al-shabaab haday Qof naga naga dilaan 20-qof oo ayaanu ka dilaynaa

Garowe, 9,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu soo laabtay Maanta Magaaladda Garoowe ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay dagaal kale oo adag la galeyso Ururka Al-shabaab ee ka Dagaallama Somalia.

C/weli Gaas ayaa xusay in Al-shabaab markii ay qof ku dilaan Puntland ay ka dili doonaan iyaguna 20-ruux ka mid ah xoogagga Al-shabaab ee ku jira Xabsiyada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland – ayaa Tacsi u diray Ehelladii iyo Saaxiibbadii Dhudi Yuusuf Aadan oo Xalay Kooxo hubeysan ay dil ugu geysteen Magaalda Gaalkacyo, iyadoo hor-fadhida gurigeeda.

Maamulka Puntland ayaa Al-shabaab kaga Adkaatey dagaal ay kula gashay bishii Abriil ee sanadkan 2016, kadib markii guutooyin Al-shabaab ka tirsan ay kasoo dageen deegaannada ku yaalla xeebaha Bari ee Puntland, sida; Garmaal iyo Garacad.

Ugu dambeyn, Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland, C/weli, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Magaalada Gaalkacyo xalay lagu dilay Guddoomiyhii Haweenka Puntland ee Gobolka Mudug.

Comments are closed