NairobiJan 14 2013 (SDN)— Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta dalkaKenyawuxuu kula kulmayaa dhigiisa dalkaasi oo ay kawada hadlayaan arimaha Gaashaandhiga.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa isaga oo ku sugan dalkaKenyawuxuu sheegay inuu kasoo noqday dalkaUgandahalkaasina ay kusoo wada kulmeen masuuliyiinta ugu sareysa dalkaasi.
Wuxuu sheegay inay kasoo wada hadleen arimo dhowr ah oo la xiriira dhanka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayna si wanaagsan isugu soo afgarteen dhamaan amuurihii ay kasoo wada hadleen.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiinta dalka Uganda ay isla garteen tababarada ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu siin jiray dalka Uganda loosoo bedelo in gudaha Soomaaliya lagu siiyo ciidamada Dowladda,taasina ay ka aqbaleen sida uu sheegay.
Ugu dambeyn maanta ayaa lagu wadaa wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya inuu la kulmo dhigiisa dalkaKenyaoo ay kawada hadlaan arimaha Gaashaandhiga labada dal.
SDN-Nairobi
