|

Daawo:- Tv-ga Aljazeera Oo Baahiyay Barnaamij 1998-kii Uu Somaliland Ka Diyaariyay, Oo Taariikh Iyo Dhacdooyin Badan Xambaarsan

Taariikhda Somaliland, dhibtii ka soo gaadhay, Midnimadii Somalia, halgankii dib u xoraynta, nabadayntii beelaha, Saami Qaybsigii iyo sidii ay mar kale Jamhuuriyada Somaliland lugaheeda isugu taagtay.

Hargeysa (QJ/SDN) – Telefishanka dalka Qatar laga leeyahay ee Aljazeera, gaar ahaan laantiisa afka carabiga, ayaa dib mar kale u baahisay barnaamij ay 1998-kii, ka diyaariyeen, taariikhda Somaliland, dhibtii ka soo gaadhay, Midnimadii Somalia, halgankii dib u xoraynta, nabadayntii beelaha, Saami Qaybsigii iyo sidii ay mar kale Jamhuuriyada Somaliland lugaheeda isugu taagtay.

Barnaamijkan oo diyaarintiisu ku soo beegantay cuna qabatayntii xoolaha ee Sucuudiga, ayaa si faahfaahsan uga waramay, dhibaatada ay xayiraadaasi u yeelan karto, horumarka iyo dib dhiska dalka, waxa kale oo ku jira, saami qaybsigii, hub ka dhigistii iyo taariikho kala duwan oo dalku soo maray.

Comments are closed