|

DAAWO: Xaaska Donald Trump oo isticmaashay khudbaddii Micheal Obama ee 2008

Washington,20,7,2016 (QJ/SDN) – Xaaska musharaxa madaxweynenimada dalka Mareykanka ee Xisbiga  Jamhuuriga ninka lagu magacaabo Donald Trump ayaa xaaskiisa Melania Trump oo dabcan iyadu  noqoneysa marwada koowaad ee dalka Mareykanka  haddii odaygeeda doorashada  ku guuleysto ayaa fagaare ku ceebowday kaddib markii ay jeedisay khudbad ay horay u jeedisay  marwada koowaad ee Mareykanka Mechelle Obama.

Melania ayaa khudbaddan ka jeedisay Shirka guud ee xisbiga Jamhuuriga uga  socda magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, waxaana erayada ay kasoo ergatay khudbaddii  Marwo Michelle Obama ee 2008 ay dad badan ku fasireen in aan madaxtinimada dalka Mareykanka lagu aamini karin reer Trump bacdamaa ay durba sii billaabeen ku tumasho dhinaca xuquuqda ah iyagoo aan tegin aqalka cad. Sida sharciga ah haddii lasoo xiganayo khudbooyin ama qoraallo horay loo sammeeyay waxaa waajib ah in la xuso qofkii lahaa xogtaas.

Donald Trump oo markii uu maqlay warka ku saabsan in xaaskiisa Melani ay isticmaashay khudbad erayadeeda lagu qurxiyay khudbaddii Michelle Obama ayaa wuxuu bartiisa twitter ku soo qoray in uu ku faraxsan yahay in uu xaaskiisa dadka baro, wuxuuna intaas ku daray in khudbaddii xaaskiisa jeedisay ay ahayd mid cajiib ah, isagoo weliba caddeeyay in xaaskiisu tahay mid uu ku han-weyn yahay.

Xigasho: HOL

Comments are closed