Hargeysa, 14,4,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ku sheegay in aanay Soomaaliland qayb ka ahan soomaaliya, isla markaana ay tahay in Soomaaliya ay Somaliland kaga dayato dimuqraadiyada iyo horumarka ka socda, isagoo ka jawaabaya go’aammaddii kasoo baxay shirkii wada-tashiga ee Muqdisho ka dhacay.
