|

Dagaal Rasaas La Isku Adeegsaday Oo Shalay Deegaanka Oodweyne Ee Gobolka Togdheer Ku Dhex Maray Shacab Gadooday Iyo Ciidamo Illaalinayay Shirkad Sahamin Shidaal Baadhis Deegaankaas ka Waday & Baaqa Odayada DAAWO

Oodweyne 26. March 2017 (SDN/QJ):- Iska hor imaad xoogan ayaa Shalay deegaanka Oodweyne ku dhex maray ciidmao ilaalinaayay shaqaale sheegay in ay sahamin shiidaal ka wadaan gobolka Oodweyne, iska hor imaadkani ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay is fahim waa ka dhex qarxay koox la sheegay in ay shiidaal sahaminayaan oo watay laba cagaf cagaf iyo ciidan tiro badan kuwaasi oo isku day in ay si khasab ah hawshooda ku fushadaan.

Kadibna ay odayadii iyo dadkii deegaanku ay ka codsadeen in ay u sharaxaan waxa ay u socdaan iyo sababta ay dhulka u banaynayaan taasi oo ciidamadii ay dawladu meesha gaysay ay u hanjabeen odayadii iyo dadkii deegaanka, isla markaasina ay dhowr ka mid ah qab qabteen, kadibna dadkii deegaanka oo is abaabulay ayaa kacdoon xoogan oo gacan ka hadal ah ku qaaday ciidamadii meesha la geeyay oo aan iyagu deegaanka u dhalan lagana soo qaaday gobolo kale oo Somaliland ka tirsan, taasi oo sababtay in si hawl yar looga caydhiyo goobtii isla markaasina laga qaado labadii cagaf cagaf kadib dagaal xoogaa socday.

Goobtaasi oo aanay wax dhaawac iyo dhimasho ahi ka dhicin ilaa inta hada la ogyahay ayaa ay xukumaddu ku saartay odayaal iyo hogaamiye dhaqameed deegaanka ka soo jeeda waxana ay odayadaasi ku guulaysteen in ay dadkii ka sii daayaan labadii cagaf cagaf, waxna sidoo kale ay xukumaddu agaasi ku sii daad guraynaysaa ciidano milatari oo xoogan kuwaasi oo aan wax xal ah keeni doonin, ilaa iyo inta dadka deegaanka la siinaayo wacyigalin xoogan oo ay inta badan codsanayeen oo si fiican oo degan wax loogu sheego, waxna arimaha dabka ku sii shidaaya dad afmiishaaro ah oo sheegaaya in ay sameeyeen wacyi galin xoogan taasi oo ay soo ifbaxday in ayna waxba ka jirin.

Isku soo wada duuboo hadii aan si fiican oo cad aan dadka deegaanka aan waxba loogu sheegin waxa iman karta iska hor imaado intaasi ka badan oo dhalin kara khasaare balaadhan, awood ciidan oo aan maskax iyo maslaxaad aan wadana haba yaraatee ma xalin doonto khilaafka ka teegaan degaankaasi oo leh na qanciya oo wax noo sheega.

Comments are closed