|

Dagaalo mar kale kasoo cusboonaaday gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya

Jigjiga 24 Aug, 2022 (QJ)- Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya iyo Ciidamo daacad u ah dowladda dhexe ayaa ka dhacay agagaarka magaalada Kobo, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Tigreega.

“Waxaan maqlayaa dhawaqa hubka culus oo saaka biloowday,” ayuu yidhi mid ka mid ah beeraleyda deegaanka Kobo oo magaciisa ka gaabsaday, isaga oo intaas sii raaciyay “Toddobaadkii hore, waxaan arkay ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyada Fano oo bas ku sii socda xagga hore.”

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Billene Seyoum ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inay inay macluumaad ka bixiyaan warkan.

Afhayeenka TPLF Getach Reda, ayaa goor dhaweyd farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu yiri “Ciidanka taliska Abiy ayaa duullaan ku qaaday fariisimaha aan ku leenahay jiidda Koonfureed”

Telefishinka Tigrai, oo ah warbaahin ay maamusho Tigray, ayaa sheegay in “ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo maleeshiyaadka Axmaarada inay bilaabeen weerar ballaadhan abbaaro 5:00 subaxnimo.”

Dagaalkan ayaa soo afjaraya xabbad-joojintii la wada sugayey tan iyo bishii March, waxaana uu dhaawac weyn ku noqonayaa isku daygii lagu doonayey in lagu bilaabo wadahadallo nabadeed oo u dhexeeya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray, oo ah xisbiga maamula Tigrayga.

Dagaalkan ayaa waxa uu barakiciyey malaayiin qof, waxana uu qaybo kamid ah gobolka Tigrayga ka dhigay macaluul, iyadoo ay ku dhintay kumannaan shacab ah.

Comments are closed