|

Dawlada Federaalka Somalia oo Ka Hadashay Waxay ka Yeelayso Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo Muqdisho ku Sugan

Muqdisho 18. August 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay waxa ay ka yeeleyso Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga baxay Al-shabaab, maalmo ka horna isku sii dhiibay dowlada Somalia.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta Somalia ayaa lagu sheegay in dowladu wadahadal kula jirto Abu Mansuur oo  cadeeyey inuu ka baxay Al-shabaab, waxaana war-saxaafadeedka uu qornaa sidatan:-

War-saxaafadeed

Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.

 

Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.

 

Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

 

Dowlada Federaalku waxay u mahadcelineysaa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

 

DHAMAAD

Comments are closed