Dawladda Somaliya oo Dalkeeda Ka Eriday Madaxii Hay’adda FAO ee Somaliya

Muqdisho 19. June 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliya, ayaa Qaramada Midoobey ugu baaqday in ay dalka ka saarto madaxa hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee ee loo yaqaano FAO.

Sarkaalkan looggu baaqey in dalkaasi laga saaro oo magaciisa la yidhaahdo Richard Trichard, ayaa ay dawladda Somaliya ku soo eedeysay in uu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel uga dhacaya sharaftii wakiilnimo ee uu hay’addaasi ugu qaabilsanaa Somaliya.

Illaa hada lama oga in sarkaalkaasi laga mustaafuriyey dalka balse waxa hay’adda Qaramada Midoobey oo arrintaasi ka hadashay, ayaa sheegtay in ay hoos u eegayso arrintaasi,