|

DEG DEG: Qarax Xooggan Oo Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (QJ/SDN) – Wakhti yar ka hor waxa qarax aad u xoogan uu ka dhacay agagaarka Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir Fisha Governo ee Degmada Xamar Weyne, waxaana qaraxan ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana warar horudhac ah aan helnay sheegayaan in qaraxa uu ahaa gaadhi Waxyaabaya qaraxa laga soo buuxiyay kaa oo ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Gobolka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore Maqaayada Al-Hindi oo kutaala agagaarka Xarunta gobolka Banaadir, waxaana qaraxan ka dhashay qasaare dhimasho iyo mid dhaawac oon tiradooda wali si rasmi ah loo ogeyn.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa kusii qul qulaya aaga Xarunta Gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale halkaasi gaaray Ciidamo isugu jira Nabad Sugida Qaranka iyo booliiska kuwaa oo xiray wadooyinka gala xarunta Gobolka Banaadir.

Wali si dhab ah looma oga in qaraxa lagu bartilmaameedsaday xarunta Gobolka Banaadir iyo in qaraxa lala eeganayay Maqayaada Al-Hindi oo ku dhaw xarunta Gobolka Banaadir, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka.

Wixii warar ah ee kasoo kordha qaraxaasi kala soco wararkayaga danbe insha allaah.

Comments are closed