|

Dhacdo Xanuun Badan: Aabbo Saddex Wiil Kaga Dhinteen Shuban Biyoodka Magaaladda Burco Oo Warbaahinta U Xog Warramay, Sheegayna In Xero Dhiigta Burco Lagu Qalo Xoolo Bakhti Ah

Burco 05. June 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo uu Wali farobaas ku hayo Xannuunka Shuban biyoodku Magaaladda Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer ayaa waxa laga soo warinayaa Dhacdooyin xannuun badan iyo qoysaska uu haleellay Xannuunkani,islamarkaana uu Ubad badan ka laayay,iyadoo dhinaca kalena ay socota gurmadka loo fidinayo boqolaal qoys oo reer Burco oo xannuunkani la ildaran iyo Goobaha Cisbitaalada oo mashquul ah islamarkaana la ciir ciiraya Dadka Xannuunkani soo ritay.

Aabbahan ubadka uu ka laayay Xannuunkani oo jaar La ah Xero dhiigta Magaaladda Burco,oo Waraysi khaas ah Siiyay Tv-ga Star ayaa shaaca ka qaaday in xannuunkani illa hadda ka dilay Saddex ubad ah oo wiilal ah islamarkaana waxa uu sheegay in isaga Aabbihii oo uu isna haleelay xannuunkani lagu dabiibayo Cisbitaalka Magaalada Burco “Ubadkan illaahay ayaa markii hore isiiyay,imikana isagii ayaa qaatay,Saddex ciyaal ah ayaa iga dhintay,dhamaan Wiilal ayay ahayeen,Midi waxa uu jiray laba bilood iyo toban habeen,Midna Waxa uu jiray Afar sanadood,ka kalena waxa uu jiray Todoba sannadood,sidoo Kale Aabahay ayaa Cisbitaalka u jiifa Shuban biyoodkaasi,aad ayuu u ladan yahay”.

Aabbahan ayaa ka sheekeeyay dhacdo Xannuun badan oo murugo leh iyo Xoolo bakhti ah oo lagu qalo Xero dhiigta Magaaladda Burco,Waxaana uu sheegay inuu arintaasi u gudbiyay Maayarka Burco balse aanu dheg jalaq u siin “Runtii Golaha Deegaanka Burco iyaga ayaa hawshoodii Gabay,Maayar Muraad waa madaxa ugu sareeya Golahaasi,meel kale oo la taabtaa majiro,waanu u nimid abaaro ayaa jiray,Halkaasi ayaa bakhti lagu qalayay,Xero dhiigtu inta ay jirto waad aragtaan,Waxaanu ku nidhi Wax ka qabo,Aniga iyo laba caaqil,Wuxuu nagu yidhi,Waxba ka qaban maayo,Halkaasi ayaanu taayiro ku shidnay,dadka ayaanu isku soo saarnay,Xoghayaha iyo anigaba wuu na xidhay, Maxaad dadka u kicinaysaa ee aad uga hadlaysaa xaaladaad ayuu igu yidhi,ee jira, Tan ayaanan arkaayay iyo mid ka daran,Hadaad isleedihiin Carruurihiin Ameerica ayaad gayseen,Allehihii aniga ikeenay wuu jiraa,waanu joogaa”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Nimanka Gurmad walaalo oo markiiba aniga iisoo gurmaday,si wacana iila shaqeeyay,wali alaankaana ila shaqaynaya, Bulshada Burco waxaan ugu baaqayaa,Golaha Deegaanku imika ayuu halkan yaac yaacayaa oo uu leeyahay dhul ayaanu sifaynaynaa iyo Waxbaanu qabanaynaa,Xannuuna waa laga hortagaaya lagama taba tago”.

Comments are closed