|

DHAGEYSO: ‘Ma doonayo in shaqo jacaylkayga uu dalku u galo khilaaf siyasadeed iyo mid Dastuur’ Ilko-Xanaf

ILKO

Muqdisho, 7,5,2016(QJ/SDN) – Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo shir jaraa’id xalay ku qabtay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegay inuusan doonayn in dartiis uu dalku qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur u galo.

Avv. Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay inuu shaqada ka tago oo uu ka fadhiisto, maadaama muddo 60-sano ku dhaw uu dalka u soo shaqeynayay.

“Wadanku sharci ayuu leeyahay – waa dhab, wixii sharciga yahay waa sidiisii, wax xaaraan ah anigu ma xalaaleynayo, haddaan danta dalka iyo tan shacabka eegana ma doonayo inaan dhibaateeyo, wax aniga igu saabsan dalkeennu bur-bur uma geli doono, shaqo aan jecleysa-nayo Dalka dhibaato ugama imaanayso, mana jeceli inay ku yimaadaan Waddanku khilaaf siyaasadeed iyo mid dastuur,” ayuu yidhi Ilka-Xanaf.

Sidoo kale, Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa xusay in markii uu dalka dib ugu soo laabanayay 1994-kii ujeeddadiisu ay ahayd in minidmada dalka la xoojiyo, wixii markaas ka dambeeyayna uu qabtay xilal kala duwan.

Ugu dambeyntii, Avv. Caydiid Ilka-xanaf ayaa 04-tii bishan May waxaa xilka si rasmi ah uga qaaday madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo xilkaas loo magacaabay loona dhaariyay Dr. Ibaarhim Iidle Suleymaan.

 

 

Comments are closed