Uncategorized

Dhakhtar Uu Adeer U Ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho,7Oct,2015(QJ/SDN)-Laba qof ayaa saaka lagu dilay xaafadda madiina ee magaaladda Muqdisho iyadoo dilkan ay gaysteen rag hubaysan oo gaadhi watay.

Labada nin ee la dilay ayaa lagu furay rasaas xilli ay ku jireen gaadhi ay wateen sida Wasaaradda Amniga ee dowladda Soomaaliya ay sheegtay.

Labada qof ee la dilay ayaa kala ah Dr Liibaan Cismaan Cilmi Cadaawe oo uu adeer u yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Cabdiqaadir Maxamud Yabarow oo ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya sida ay warbaahintu kasoo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda cadaaladda.

Dr. Liibaan ayaa horay uga howlgali jiray cisbitaal ay lee yihiin Imaaraadka Carabta oo ku dhex yaalla Madaxtooyada Soomaaliya .

Dr. Liibaan waxaa dhalay Cismaan Cilmi Cadaawe, oo ku hooyo ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo isna ku geeriyooday magaalada Nairobi bishii August ee sanadkan.