|

Dhakhtarad U Dhalatay Dalka Masar Oo Is Deldeshay, Whatts-App-Kana Ugu Dirtay Ninkeedii Sida Ay Isku Dishay !

Qaahira 13. February 2017 (SDN/QJ):- Baraha bulshada ee dadku ku wada xidhiidhaan ayaa waxa muddooyinkan danbe ku soo dadku ku soo bandhigayaan falal fool xun oo ay nafahooda kula kacaan sida muuqaalada iyaga oo qudha iska jaray.

Haddaba, haweenay u dhalatay Dalka Masar oo dhakhtarad aheyd ayaa waxay isku deldeshay gurgieedii xilli uu Ninkeedu ka maqnaa, arrinta aadka u layaabka badan ee ay ku kacday haweenaydan ayaa waxay tahay inay Whatts-app-ka ugu dirtay Ninkeeda sida ay isku dishay.

Ciidammada Caasimada Dalka Masar ee Qaahira ayaa waxay sheegeen in markii ay gaadheen goobta falkani ka dhacay ay la kulmeen haweenay is deldeshay waxaanay cadeeyeen in haweenaydani ay ka hor intii aanay is deldelin ay middi ku goysay xiddidadeeda gacmaha.

Dhinaca kale Ninka qabay haweenaydan ayaa waxa uu cadeeyay inay muddo 4 bilood ah is qabeen, isla markaana xilliga ay is deldeshay ay ku ballansanaayeen inay munaasabad gaar ah oo ay lahaayeen isku raacaan, kadibna uu dib uga dhacay xilligii ay ballantaasi duruufo shaqo awgeed, balse uu si kadis ah ugu arkay Whatts-app-ka farriinta gabadhiisu usoo dirtay ee ah siday isku dishay.

Comments are closed