|

Dhaxal Sugihii Hore ee Laga Takhalusay ee Sucuudiga Amir Maxamed Bin Na’if oo La Xidhay!!!

Riyadh 30. June 2017 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiin Maraykan ah iyo kuwo Sucuudiyiin ah oo u dhowdhow qoyska reer Boqor ee Dalka Sucuudiga ayaa u sheegay wargayska Newyork Times ee Dalka maraykanka in Dhaxalsugihii Boqortooyadaa ee dhowaan la casilay laga mamnuucay in uu dalka ka baxo laguna xukumay xabsi guri uu ku qaadanayo qasriga uu ku leeyahay Magaalada Jiddah.

Wargayska ayaa baahiyey in mas’uuliyiintaa oo codsaday in aan la sheegin magacyadoodu ay u caddeeyeen xadhiga xabsi guriga ah ee la saaray Wasiirkii hore ee wasaaradda awooda weyn ee Arimaha gudaha ee dalkaasi Sucuudiga Amir Maxamed bin Na’if si hoos loogu dhigo mucaaradad kasta oo uu ku keeni karo dhaxalsugaha cusub Amir Maxamed Bin Salman.

    Photo Bidix Dhaxal Sugihii Hore Iyo Midig Dhaxal Sugaha Cusub

Dhanka kalena mas’uul u hadlay boqortooyada sucuudiga oo ka jawaabayey warbixinta Newyork Times ayaa isagoo u waramayey Wakaalada wararka ee Routers waxa uu beeniyey in amiirkaa la xidhay.

Comments are closed