|

‘’Doorashadii 13 November 2017ka oo Tab iyo Xeelad Kasta oo Kuu Suuro Gasha aad Adeegsatay Waxaad Ku Gaadhay Bartilmaameedkii Kuu Hiraayey ee Ahaa …..’’ Siyaasi Cabdilaahi Xaaji Cumar (C.laahi Jawaan) DAAWO

Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Siyaasiga Caanka ah ee Abdullahi Abdi Omar Cabdilaahi Jawaan ayaa Fariin Muhiima Waxa uu Diray Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukumada Cusub.

Sidoo Kale Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Waxa uu uga Digay in ayna Odaysha Dhaqanka iyo Cuqaasha Beeluhu ayna Xukumadisa qayb ka qadan so dhisideda .

Qoraal uu ku baahiyey Bartiisa Facebook ayuu ku Sheegay Sidan:-

Waxaan Halkan Duco iyo Talo Uga Gudbinayaa Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Magacabay Madaxweynuhu 14 December 2017ka, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,Waxaan Ku Leeyahay: Maaratoonkii : Halgan, Heshiisiin, Dawlad Qaran Dhisid, Nabaddayn, Democracy, Xisbi Dhisid iyo Ugu Dambaysay Galid Tartan Doorashadii 13 November 2017ka oo Tab iyo Xeelad Kasta oo Kuu Suuro Gasha aad Adeegsatay Waxaad Ku Gaadhay Bartilmaameedkii Kuu Hiraayey ee Ahaa Hanashada Xilka Ugu Sareeya ee Hogaaminta Qaranka Jamhuuradda Somaliland ee ah:

Madaxweynaha Jamhuuradda Somaliland Adiga oo Ku Guullaystay Marathon kii aan 2015kii aan Sheeggay in aad Soo Gashay Waad ku Guullaystey ee Xilka Culus ee Madaxweynaha ALLAH Ha Kuu Fududdeeyo Hana kugu Asturro, Taasi Waa iga Duco, Tallona Waxaan Ku Leeyahay Xeelad Baad Ku Soo Baxday ee Hadda Madaxweyne Ayaad Tahay ee Ummadda Xaqiiqo iyo Xaq Ku Hogaami.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi U Magacaabay Xilalka Qaranka La idiinku Dhiibay ALLAH Ha idiin Fududdeeyo Maskada iyo Maakana Ku Haya Heestii: Ismaaciil Xirsi Ciise Farxaan ee Ahayd: Nin Xil Qaaday eed Qaad Ha isodhan Cidi Kuma Arkayse: Afka Buuxso, inaadeerso, Aqallo Jeexo, Hoy Hoy Nin Xil Qaaday eed Qaad. Iga Gudooma Hambalyo iyo Salaan 32kiinuba.

Comments are closed