|

Dowladda Somaliland Oo Xorriyaddiisa Usoo Celisay Xildhibaan Ka Tirsan Maamulka Puntland

Xildhibaan

Ceerigaabo,1,8,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Somaliland ayaa waxay xorriyaddiisii usoo celisay Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo ka tirsan xildhibaanada Maamulka Puntland – kaasi oo lagu qabtay dagaal Ciidanka maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan degmada Dhahar.

Xildhibaanka oo xorriyadiisa kaddib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in muddo 12-cisho ah uu ku xidhnaa Xabsi ku yaalla magaalada Ceerigaabo, isagoo xusay in siidayntiisu ay ku timid wada-hadal dhex maray Puntland iyo Somaliland – kaasi oo ay qayb ka ahaayeen odayaasha dhaqanka.

Xildhibaan Canjeex ayaa waxa kale oo uu sheegay muddadii uu ku sugnaa Somaliland gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo uu ku xidhnaa in loola dhaqmay si aad u wanaagsan, isla markaana masuuliyiinta iyo shacabka Somalilandba uu uga mahadcelinayo sida ay ula dhaqmeen.

Dhanka kale, Xildhibaanku waxa uu sheegay in loo ballan-qaaday in lasoo dayn doono ciidankii la xidhnaa isaga, isagoona si wayn ugu mahadnaqay shacabka iyo masuuliyiinta Somalilanba.

Galool Media, News Desk

Comments are closed