|

Dowladda Uganda Oo Ciidamadeeda kala Baxaysa Soomaaliya

uganda

Kampala, 6,5,2016 (QJ/SDN) – Saraakiisha ciidamada Uganda ayaa wada qorshe ay dib ugu eegayaan ciidamadeeda nabad-ilaalinta ah ee ku sugan Somalia iyo Dalka Afrikada dhexe, taasoo u muuqata inay qorsheynayaan inay ciidankooda la baxaan.

Afhayeenka Millateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in Guddi gaar ah loo saaray arrintaan si ay talooyin uga soo bixiyaan. Balse ma jirto faahfaahin intaa ka badan oo uu bixiyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Uganda ay dib u eegis ku sameyso hawl-gallada ay ciidamadeedu u joogaan Somalia iyo waddamo kale oo Afrikaan ah, balse waa markii ugu horreysay oo ay ka hadasho inay ciidamadeeda la baxayso.

Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Uganda ayaa BBC u sheegay in Yoweri Museveni uu qorsheynayo inuu soo gaba-gabeeyo labadaas hawl-gal ee Somalia iyo Jamhuuriyadda Afrika Dhexe oo ciidammada ugu badan ee Jooga ay Uganda kasoo jeedaan.

Ugu dambeyntii, Uganda ayaa waxay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ciidammo nabad-ilaalin ah u soo dira Somalia, waxaana ciidamada ka jooga hadda gaadhayaan illaa 6,000 oo Askari, waana ciidamada ugu badan ee AMISOM.

Comments are closed