|

Duufaan Dabaylo Wadata Oo Ku Soo Socota Deegaanada Puntland

Garowe,31Oct,2015(QJ/SDN)-Duufaanta (Cyclone Chapala) ayaa la filayaa inay soo gaadho deegaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland,  dalka Cumaan iyo Yemen iyadoo la filayo in biyaha roobka duufaantaasi laba maalmood ku da’i doonto, biyaha ay duufaantu keenaysaana waxay u dhigmaan roob da’aya siddeed sanadood, waana sida ay khubarada saadaasha cimiladu sheegeen. Laga bilaabo Axad beri illaa Arbacada todobaadkan ayaa la filayaa in duufaantan ay gaadho dhulka Cumaan, Yemen iyo Soomaaliya. Dabeysha duufaanta ayaa la sheegay inay gaadheyso xawaaraheeda 175km saacadiiba.

Duufaantan Chapal ayaa la filayaa inay soo gaadho  Puntland gaar ahaan degmooyinka Caluula illaa Xaafuun, waxaana shacabka looga digayaa  dabeylaha duufaantaasi wadato oo saameyn ku yeelan kara xeebaha iyo waliba togaga mara deegaanada Caluula iyo Xaafuun ee Puntland.

Waxaana la sheegayaa in duufaanta xoogeeda ay gaadhi doonto dalka Cumaan oo la sheegay in duufaantan ay tahay tii ugu xooga badneyd ee dalkaasi soo gaadha tan iyo 1979kii.

Geeska

Comments are closed