|

Faa’iido iyo Khaasaaro laga dhaxlay Internet la’aanta ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Muqdisho 30. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Internet la’aan baahsan ka jirtaa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kadib markii a go’day Fiiladii Internet-ka Fibre Optic, waxaana si weyn loo dareemay saameynta uu lahaa Internetka oo noqday qeyb kamid ah nolol maalmeedka bulshda Soomaaliyeed.

Internet la’aanta jirta ayaa keentay in ay xayirmaan shaqooyin badan oo ku xirnaa Internetka sida Xawaaladaha iyo xafiisyada shaqada, waxaana dad badan saameyn aad u xun ku yeelatay shaqooyinkoodii oo ku xirnaa Internetka kuwaa oo hada shaqo la’aan la jiifa.

 

Xafiisyada dowlada , Hay’adaha iyo shirkadaha kale ee ka jira magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa sidoo kale wax shaqo ah ka jirin, waxaana goobahaasi ay inta badan shaqooyinkooda ku xirneed Internetka.

 

Dhinaca kale Waalidiin badan oo kunool Koonfurta iyo baratamha dalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Internet la’aanta jirta, waxa ayna tilmaameen in faa’iido aysan horey u heesan ka heleen Internetka go’an dhoorka maalmood.

 

Waalidiintan ayaa sheegay in caruurtooda gaar ahaan gabdhaha ay ahaayeen kuwa inta badan isku mashquuliya isticmaalka Internetka gaar ahaan baraha bulshada, waxa ayna sheegeen in wax howl ah aysan u qaban jireen caruurtooda habeen iyo maalina ay mobelka un ku mashquul sanaayeen.

 

‘’Faa’iido ayaan u arkaa Internetka maqan waayo gabdhaheyga hada iyaga ayaa howsha ii qabta halka markii hore aan anigu qaban jiray, waxa ay habeen iyo maalin ku mashquulsanaayeen internetka gaar ahaan Facebook weyna ku adkeyd in galaas biyo ah xitaa isoo shubaan, hadase howsha iyagaa haya waana ilaah mahadii’’ Ayey tiri hooyo Soomaaliyeed.

 

Internet la’aan ayaa ka jirta Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya mudo shan maalin ah, walina macada xiliga uu dib u shaqeyn doono Internet Viper Optica , waxaana socda dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu xaliyo cida jirta .

Comments are closed