|

Gabadh Xubinta Taranka Mindi Kaga Jartay Nin Tacaddi Kufsi ah Kula Kacay & Sida loo Arkay Tallaabadaas

Delhi 24. May 2017 (SDN/QJ):- Gabadh Hindi ah oo 23 jir ah, ayaa Xubinka Taranka ka jartay Nin Dadka bara Diinta Hinduuga oo ku sugan gobolka Kerala oo ku yaalla dhanka Koonfureed ee waddankaas, iyada oo ku eedaysay in uu muddo sannado ah si joogto ah  u Kufsan jiray.

Ciidanka Booliiska Hindiya ee deegaankaas, ayaa sheegay in Ninka laga Shakisan yahay oo lagu magacaabay Gangeshananda Theerthapada uu Guriga Gabadha tegi jiray, si uu ugu duceeyo Aabbaheed oo xannuunsanayey. Waxaanu Qoyskoodu u arkayey ama ka aamminsanaayeen Ninkaas inuu yahay Wadaad Barakaysan, sida ay Booliska u sheegtay Gabadha ku eedaysay inuu Kufsi joogto ah ku hayey.

 

Gabadha tallaabadan qaadday, ayaa Booliska u sheegtay in iyada Hooyadeed ay rejaynaysay in Ninkan Wadaadka iska dhigay ee Kufsiga kula kacay uu yahay Nin Barakaysan oo uu ka caawin doono dhibka Qoyskeeda haystay, isla markaana uu Gurigooda ku badnaa joogistiisa iyo imashadiisa-ba.

Hase-yeeshee, arrintaas beddelkeeda Gabadheeda ayaa sheegtay in uu tacdi u geysan jiray fursad kasta oo uu ku helo.

 

Habeennimadii Jamcaha ayey Gabdhu la soo boodday Mindi oo ay weerartay markii sida lagu eedeeyay Ninku uu isku-dayay in uu Kufsado ama la sameeyo Galmo aanay raalli ka ahayn Gabadhu, ka dibna markii sida la sheegay ay Xubinta Taranka ka jartay Ninkaas, ayey Gabadhaasi u yeedhay Booliska.

 

Ninkan lagu eedeeyay Kufsiga, ayaa loola cararay Cusbitaalka Thiruvananthapuram Medical College ee magaaladaas; si qalliin degdeg ah loogu sameeyo.

Cusbitaalka oo War qoraal ah soo saaray, ayaa sheegay in Cusbitaalka la keenay Nin 54 jir ah oo uu ka laallaado Xubinkiisa taranka oo la jaray Boqolkiiba 90, isla markaana aanay jirin si loogu celin karo Xubinta halkeedii.

 

Dhakhaatiir ku takhasusay Kaadi-mareenka iyo qalliinka oogada jidhka, ayaa qalliin degdeg ah ku sameeyay; si ay u joojiyaan dhiigga ka daadanayay, una suurtageliyaan in uu Kaaji karo Ninkaasi.

 

Taliye Ku-xigeenka Booliiska gobolka Kerala oo lagu magacaabo Arul B Krishna, ayaa Wargayska The Times of India u sheegay in Gabadha Aabbeheed uu sannado badan ahaa Bukaan Sariir-yaal ah.

Waxaanu intaas ku daray in Gabadhu ay Hooyadeed la xidhiidhisay Tacaddiga loo geystay, lagana yaabo in hadda lagu soo oogo Dawcado la xidhiidha in ay ku guul-darraysatay in ay dhibkan ku wargeliso Booliiska, ka hor intaanay tallaabadan weerarka ah Ninkaas ku qaadin.

 

Gabadha yar ma rejaynayso in lagu qaado Fal-dembiyeed, Wasiirka koobaad ee gobolka Kerala Pinarayi Vijayan, ayaa ammaanay geesinimada Gabdhaasi samaysay, maaddaama oo ay weerarka isku badbaadinaysay, sida ay baahisay BBC-du.

 

Dadka ka Muddaaharaada Tacadiyada Galmada la xidhiidha iyo Kufsiyada ku soo badanayey Hindiya sannadihii u dambeeyey, ayaa mar kasta ku baaqa in la xakameeyo tacaddiyada Kufsiga ee Haweenka iyo Carruurta ka dhanka ah ee dalkaas ka dhaca, kuwaas oo qaarkood ay soo dhaweeyeen tallaabada Gabadhani isku difaacday ama kaga jawaabtay tacaddiga uu Ninkaasi sida taxanaha ah ugula kacayey.

 

Dadka loo qabqabtay Kufsiyo tan iyo 2012-kii ka dhacayey waddanka Hindiya, ayaa qaarkood lagu xukumay Xabsiyo dhan 40 sannadood iyo kuwo ka sannado yar, halka ay Ururrada Haweenka difaaca qaarkood dalbanayaan in Ninkii Gabadh kufsada Xukun dil ah lagu fuliyo, si uu u yaraado Tacaddiga Kufsiga Haweenka iyo Carruurta lagula kacaa, balse waxa la isku raacsan yahay waddankaas in Ciqaab culus la mariyo Ninkii Gabadh Kufsi kula kaca, waxaana dalkaas ka dhici jiray sannadihii u dambeeyey Muddaharaadyo iyo Bannaan-baxyo joogto ah oo lagaga soo horjeedo Kufsiga Haweenka.

Comments are closed