|

“Gabiley haddii la yidhaahdo Gobol halloo Ictiraafo oo Baarlamaanku ha Ansixiyo Anigu ma Oggoli, Waayo..?” Musharrax Muuse Biixi Cabdi DAAWO

Gabiley 11 November  2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanu oggolayn in Gabiley loo aqoonsado gobol ka go’an Maroodi-jeex, waxaanu Sharraxaad ka bixiyey sababaha uu uga soo horjeedo inay Gabiley noqoto gobol.

Gabiley, ayaa 22-ka bishii 3-aad ee sannadkii 2008-dii, ayuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin gobol u magacaabay Gabiley, inkasta oo aanu weli Golaha Baarlamaanku gobolladii wakhtigaas iyo ka dib-ba la magacaabay aanay u ansixin gobolnimo ama aanay gobolnimadooda sharciyeynin, haddana waa gobollo Maamulkooda gaarka ah leh, inkastoo wakhtiga doorashada Gabiley iyo gobollada kale ee la midka ah; sida Saraar, Buuhoodle iyo Hawd-ba ay degmooyin doorasho yihiin wakhtiga doorashada, maaddaama oo aanay Wakiilladu rasmi u ansixin.

 

Haddaba, Musharrax Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxaad iyo faahfaahin ka bixiyey sababaha uu ku diiddan yahay in Gabiley loo aqoonsado gobol ka madax-bannaan gobolka Maroodi-jeex ee ay ku taallo Caasimadda Hargeysa. Waxaanannu Muuse oo Faahfaahinaya Hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed