|

Golaha Guurtida Somaliland oo 2-sanno u kordhiyay Muuse Biixi iyaguna 5-sanno kordhistay

Hargeysa. 1 October, 2022. (QJ)- Golaha Guurtida Ee Somaliland ayaa fadhigii ay maanta yeesheen waxay muddo kordhin ugu sameeyeen xukuumadda Madaxweyne Biixi, halka ay iyaguna kordhisteen muddo xileedkooda.

Guurtida ayaa muddo laba sanno ah waxay u kordhiyeen Muuse Biixi halka ay iyaguna kordhisteen muddo 5 sanno ah.

Doorashada Madaxtooyada Ee Somaliland ayaa dhici doonta bisha December ee sanadka 2024, halka Doorashada Guurtidu ay Sanad ka danbayn doonto Doorashada Wakiilada ee mudanayaasha imika fadhiya 4 sanno kadib.

Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in khilaaf hor leh uu ka dhalan doono muddo kordhibtan cusub, iyadoo aan weli la saadaalin karin halka uu saldhigan doono khilaafka siyaasiga ah ee Somaliland ka taagan wakhtigan.

Comments are closed