|

Golaha Wakiilada Somaliland oo kooram la’aan furmi waayay iyo cidda dantu ugu jirto

Hargeysa. 24 September, 2022. (QJ)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta u furmi waayay kooram la’aan iyadoo xildhibaanada xukuumadda taageersan iyo kuwa Maxamuud Xaashi uu wato ay diideen in ay ka xaadiraan Golaha.

Tallaabadan ayay xildhibaanada xukuumaddu ku macneeyeen in ay kaga soo hor jeedaan kaabista iyo wax ka badalka xeer14 ee Golaha Wakiiladu u gudbiyay Guurtida.

 

YAY DANTU UGU JIRTAA GOLAHA WAKIILADA OO XIDHAN

Inkasta oo xukuumadda iyo xildhibaanada taabacsan ay u arkaan cadaadis arintan, kaas oo fuulaya gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo mucaaradka, hadana waxay dhib ku tahay xukuumadda.

Ma jirto haba yaraatee wax micno ah oo mucaaradka ay ugu fadhido in Golahu furmi waayo, iyadoo aanay wax dan ahi kaga xidhnayn xataa hadii uu bilaha soo socda xidhnaado. Sababta ayaa ah in xeerka ay rabeen mucaaradku uu ka gudbay Golaha Wakiilada.

Dhanka xukuumadda, Golaha oo xidhan waxay ku tahay caqabad iyadoo ay istaagayaan shaqooyinkii kale ee xeerarka xukuumadda ja yimaada iyo kuwii hore loo waday.

Comments are closed