Hargaysa 04. December 2017 (SDN/QJ):-Golaha Wakiiladu Wuxuu ansixiyay Xeerka Booliiska oo wax wayn ka tari doona in la helo Booliis shacabka ilaaliya. Cod dhan 2/3 ah ayay ku ansixiyeen si ay u buriyaan go’aan ay madaxtooyadu 2014 ay xeerka kaga saartay qodobadii shacabka ilaalinayay.
Waxaa Kale oo ka mid ah Xeerarka ay Goluhu meelmariyeen kuna celiyeen Madaxweynaha Xeerka Duulista Iyo Xeerka Xabsiyada dalka.
