|

Goormaa la Qabanayaa Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, Maxaase Caqabad Hor-taagan? DAAWO

Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Cabdillaahi Faarax Maydhane, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inay Wasaarad ahaan diyaar u yihiin qabashada Tartanka gobollada Somaliland oo sannadkii hore fashilmay, ka dib markii inta la bilaabay la dhammaystiri kari waayey ee ay hakadeen.

Hase-yeeshee, Wasiir Maydhane ma sheegin wakhti go’an oo ay qabanayaan Ciyaaraha tartanka gobollada Somaliland, balse waxa uu sheegay in la qabanayo oo loo diyaar-garoobayo marka ay dhamaato Diiwaangelintu bilaha soo socda ee sannadkan, haddii ay tahay sida loo fahmay ee ah diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo gobolka Sool iyo deegaanno Buuhoodle ka tirsani weli hadhsan yihiin.

Haddaba, Hadal Wasiirka Ciyaaruhu ka jeediyey Munaasibad ay xilka ku kala tirsadeen Xidhiidhka Ciyaaraha ee cusub iyo Xidhiidhkii hore oo maanta lagu qabtay Hargeysa oo uu sidoo kale hadal ka jeediyey Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Maxamed Xuseen Dhabbeeye, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed