|

Guddida Ilaalinta Anshaxa Saxaafadda oo Warbaahinta Dalka Somaliland ku Amaanay Sidii Wanaagsanayd ee ay Hawsha Tebinta Wararka iyo Dejinta Bulshadda uga qayb qaateen DAAWO

Hargaysa 18. November 2017 (SDN/QJ):-Gudida ilaalinta anshaxa Saxaafadda ee doorashada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warbaahinta  ku amaanay sidii wanaagsaneyd ee ay u tabiyeen wararkii doorashada madaxtooyada Somaliiland.

Gudidani waxaa ay bulshaweynta reer Somaliland ka codsadeen inay nabad-galiyada ilaaliyaan, oo sumcada qarani leeyahay ay dhawraan.

Odayga Warbaahinta Xuseen Cali Nuur isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Maanta Somaliland waxaa lagu tilmaamayaa oo la leeyahay dalalka la Ictiraaf ee boqolaalka sano, soo jiray iyo kuwa kale ee Afrika ku nool oo dhamiba Somaliland haku daydaan sida doorashadeedu u dhacday, goob jooyaashi caalamiga ahaa ee wadanka joogeyna waa ay nagu raaceen,”

Comments are closed