|

Guddoomiyaha degmada Gacan libaax oo ka hadlay wado laami ah oo ay ka hirgeliyeen xaafada New Hargeysa

Hargeysa (DHH/qurbejoog.com)- Guddoomiyaha degmada Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa Cabdilaahi Aw Aadan, ayaa ka hadlay dhismaha waddo  1km ah oo laami ah oo ay ka hirgeliyeen xaafadda New Hargeysa ee  degmadaasi oo ay iska kaashadeen dawlada Hoose ee Hargeysa iyo dadweynaha ku dhaqan xaafadaasi. 

Guddoomiyaha oo shalay u waramayay saxaafadda ayaa ka hadlay dhismaha wadadan oo dadweynaha xaafadda New Hargeysa ay dhibaato weyn ku qabeen waxaanu yidhi “Wadadan oo 1 Km ah waxaanu ka duminay dayrar badan, waxaanu imika samaynaynaa oo gacanta ku haynaa diriinayjkii biyuhu mari lahaayeen. Dadweynaha Xaafaddana aad ayay faa’iido ugu leedahay oo waxa imikaba maraya basaskii.” 

Gudoomiyaha demgada Gacan libaax, wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inay wadadaasi ilaashadaan oo aan la burburin. 

Guddoomiyuhu wuxuu u mahad celiyay dadweynihii ka qeyb qaatay qaadhaankii lagu dhisay waxaanu tilmaamay in dawlad hoose ahaanna ay door weyn ka qaateen. 

waddan  oo ka so baxda fooqa ila xayd aw faarax  barigisa ila daami wax  kharashka ku baxay  % 70 bixisey dawlada hoose ee hargaysa  halka % 30ka hadhayna ay  bixiyeen dadwaynaha xaaafadasi. 

wax kale oo u gudomiyihu sheegey in  ay hada gacanta ku hayan  wado kale oo laami ah oo ka bilabanta  geereshka cabdi xasan ila  dhaamka daami  oo ay sida ugu dhakhsaha badan u dhamayn doonan taasi oo wax wayn ka tari doonta  isu socodka gaadiidka ee  degmada gacan libaax.

 

xasan maxamed c/laahi

hargeisa

Comments are closed