Hargaysa 13. August 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maanta si Foolka fool ah Kulan u yeeshay Xafiiska Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Gudoomiyaha lagu Muransan yahay Sharciyadiisa Mudane Baashe Maxamed Faarax Iyo Gudoomiyaha Sheeganaya in isaga loo doortay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C.raxmaan Maxamed Talyanle.
Kulankan ayaa la iskula qaatay in la abuuro laba gudi oo midkiiba 5 xubnood ka kooban yahay kuwaas oo bannaanka ku soo dhameeya khilaafka ka taagan golaha wakiiladda.
