|

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Dib ugu Soo laabtay Caasimadda Hargaysa kuna adkaystay inuu Doorashadii Madaxtooyadda ku Guulaystay,Muxuu ka Yidhi Dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaasi Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Galabta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Hargaysa.

 

Waxaana soo dhaweyn aad u cajiib badan oo looggu sameeyey Madaarka Hargeysa si weyn uga qeyb-qaatay Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi, guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah iyo weli ba sida oo kale hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaal aad u tira badan.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo ugu horreyn halkaas ka jeediyey kelmado soo dhaweyn ah, ayaa Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI uga mahad-celiyey soo dhaweynta ay u sameeyeen Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI.

“Waxaanu idiin ka mahad-naqeynaa soo dhaweyntaa maanta loo sameeyey guddoomiyaha oo safar shakhsi ah ugu maqnaa dalka dibaddiisa, mudaddii uu maqnaana ay isbedalo yimaadeen oo dalka oo xukuumaddii cusbeyd la soo dhisay, hawlo badana ay sugayaan, markaa waxa aanu idin lee nahay aad iyo aad baad ugu mahad-san tihiin soo dhaweyntaa aad soo dhaweyseen isagu na kelmad buu idin odhan doonaa.”. Ayuu yidhi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedka socdaalkii uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in Xisbiga WADDANI uu hada u diyaaroobaayo dhisidda mucaaradad adag oo ay u wajahaan Xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Muuse Biixi Cabdi.

“Waxa farxad weyn ii ah in safar gaaban ka dib aan nabad ugu soo noqdo dalkeygii hooyo, waxaan mar labaad u mahad-naqayaa dhammaan ba shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Madaxda iyo Taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga WADDANI, inta gudaha joogta iyo inta dibadda joogta ba. Walaaleyaal waxa aynu ka war-qabnay in Xisbiga WADDANI guuleystay, waxa aynu ka war-qabnay in aynu go’aan wada-jir ah wada-qaadanay se waxa aan mar labaad idiin ka mahad-naqaya hawshii wanaagsanayd iyo guulahii aad dhaliseen inta ba, dardaarankeenu na wuxu ahaa in aynu Xisbiga dib u dhisno Isha Allaahu oo adkeyno gudaha iyo dibadda ba, noqonana Xisbi mucaarad ah oo ah Xisbiga koowaad ee Mucaaradkaa oo ujeedadiisu na tahay in uu wax toosiyo, mucaaradad adag oo salmi ahna aynu sameyno haddii Alle ka dhigo, wixii kale ee hawlo ahna waa aynu iskugu iman doonaa ee Xisbiga hawlahiisa ah. Xisbiga na hada wixii ka dambeeya waa ay innoo bilaabmayaan shirarkiisii iyo hawlahiisii ba.”. Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Murashax Cirro, waxa sida oo kale uu sheegay in uu ka xun yahay in ay weli sii socoto xadhiga lagu hayo madaxda Xisbiga WADDANI, waxaana uu cod dheer ku sheegay in uu Xukuumadda cusub iyo hay’adaha amniga ba uu uga digaayo xadhiga mas’uuliyiinta WADDANI, waxaana uu yidhi:

“Waxa aan ka xumahay in aan weli maqlo in xadhigii mas’uuliyiintu uu weli sii socdo, arrintaasi na arrin loo dulqaadan karo maaha, waanan uga digeynaa Xukuumadda cusub iyo hay’adaha amniga ba in ay sii wadaan xadhiga mas’uuliyiinta la xidh-xidhayo.”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo wax laga weydiiyey bal in uu isku shaandheyn ku sameynaayo Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in ay suurto-gal tahay isku shaandheyn ballaadhan oo uu ku sameeyo Xisbigaasi isaga oo tilmaamay in ay mar kale dib u dhisayaan Xisbiga WADDANI.

“Xisbiga dibbaa loo dhisayaa oo loo adkeynayaa, waana suurto-gal in isku shaan-dheyn la sameeyo. “.Ayuu yidhi Md.Cirro.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo mar kale wax laga weydiiyey dhawaaq ka soo yeedhay odey dhaqameedyo ka soo jeeda gobalka Hawd oo ka hadlay xiliga la wareejinaayo guddoomiyenimada Xisbigaasi, ayaa waxa uu kaga jawaabay sidan:-

“Waxa ay ila tahay salaadiintu waa ay yara deg-dageen, Xisbigu na Kaalendar buu ku socdaa, wakhti baana loo qabtay arrintaas, wakhtigii na lama gaadhin weli, waana ay imanaysaa Isha Allaahu tacaalaa.”.

Comments are closed