Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in astaanka xisbiga waddani ay u eeg tahay dharka ay xidhaan dadka bilaa diinta ah ee Buddhismka isla markaana wuxuu musharaxa xisbigaasi ee Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay mid u muuqaal eeg wadaadka hoggaamiya dadka Buddhismka aaminsan.
Hadalka Faysal Cali Waraabe waxa dhibsaday oo si adag uga jawaabay wasiiru-dawlaha wasaarada caddaalada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, isagoona sheegay in ay dambi tahay in dad muslimiin ah lagu sheego inay yihiin dadka bilaa diinta ah ee Buddhismka.
Labada masuulba waxay ka hadlayeen munaasibad loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacadda Addi-ababa Medical College ee magaalada Hargeysa.
Arrintan waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee loolanka axsaabta siyaasadda Somaliland galo diimo aan ahayn ta islaamka.
