|

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Loo Doortay Murashaxa Xisbiga Ucid u Matalaya Doorashada Madaxtooyada DAAWO

Hargaysa 09. November 2016  (SDN/QJ):-Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ayaa Maanta ugu doortay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Halka Sidoo kalena lagu doortay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid iyo Xogahaya Golaha Dhexe.

buufiShirkan oo ahaa Kii 6aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid waxaa Goob Joog ka ahaa Xubno ka socday Gudida diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada qaranka.

Ugu horayn Waxay ergada Golaha Dhexe u doorteen Siciid Cumar Axmed inuu Noqdo Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid halka Sidoo kale Xoghayaha Golaha Dhexe loo doortay Maxamud Cali Madoobe (Jiir).

faysal-cali-murashaxGudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid iyo Xoghayaha Golaha Dhexe oo halkaas ka hadlay ayaa u Mahadnaqay Xubnaha Golaha dhexe Iyagoo balanqaaday inay Shaqada loo Igmaday ay dardargelin doonaan.

Intaas kadib waxaa la Gudo Galay ansixinta Murashixiinta u Tartamaya Jagada Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid oo ay u kala Taagnaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed Jaamac Cabdi Waxaana Cod aqlabiyad ah Ku Guulaystay Faysal Cali Waraabe oo Noqday Markii 3aad inuu Xisbiga Ucid u ahaado Murashaxa Jagada Madaxweyne iyadoo Sida Xeerka Xisbiga Ucid dhigayo uu Ku Xigeenkiisa soo dooran doono Mudo 45 Cisho Gudahood ah.

Murashaxa laga Guulaystay ayaa soo dhaweeyay Natiijada uu ka helay Codka ergada Golaha Dhexe Isla markaana Sheegay inuu Ku qancay.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe oo Gunaanadkii Shirkaasi ka hadlay ayaa Khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyey Wuxuu ku faahfaahiyey Waxqabadka uu ku Talo Jiro inuu dalka ku soo Kordhiyo hadii uu ku Guulaysto doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta Horaanta Sannadka 2017.

Comments are closed