|

“Haddii Goluhu Wax Walba Gacanta U Taago, Qalad Baynu Gelaynaa” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee kasoo jeeda gobolka Saaxil, isla markaana katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa eedo culus dusha ka saaray golaha uu ka tirsan yahay ee wakiillada, waxana uu sheegay inay faraha la geleen arrimo aan shaqadooda ahayn oo sharciga baal marsan.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa cambaareeyey tallaabadii ay Golaha Wakiilladu codka gacan taagga ah ku ansixiyeen wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo, waxana uu xusay inay arrintaasi iska lahayd waaxda fulinta oo xukuumadda ahi, “Mudaneyaashu ma fahamsana inay gacanta la taagayaa sharci tahay, Xukuumadduna iyada ayey xilkeeda distooriga ah tahay inay tabashada dalka gudihiisa ah dhammaystirto, wax allaale iyo wax la inooga baahnaana ma jirto, golehayaguna shuruucdii way ku tunteen.” ayuu yidhi Md.Siciid Cilmi Rooble.

Siciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Shacabkana waxan leeyahay dalkiina xejista oo diintiina ilaashada, cid allaale iyo cid aynu ku kalsoonaano ama gole ha ahaato ama shicib ha ahaatee ma jirto, haddii dalka sidan laga deyn waayo berrina Saaxil State baa Salle calee, golehayagii baana sharci darro samaynaya.”

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray “Hadii goluhu wax walba gacanta u taago qalad baynu gelaynaa, meel allaale iyo meel aanu gole ahaan kasoo galnaana ma jirto, waajib bay Xukuumaddu leedahay oo way gudatay, Cali Khaliif-na way u yeedhay oo wada-hadalladii meel fiican bay marayaan.” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Comments are closed