|

“Haddii Koox gaar ah oo Dano gaar ah lihi ay saamayn ku yeeshaan Go’aannada Xaasaasiga ah ee Qarankan oo ay keligood sax iyo khalad bam eel marsadaan, halkaa waxa ka dhalaya” Wasiirkii Hore ee Xidhiidhka Golayaasha DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil ayaa si rasmi ah Xilkii ugu Wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Axmed Xaaji Daahir

Mudane Cali Xaamud Jibriil oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu sii ahaanayo Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu ka mid ahaa Xubnihii ugu horreeyay ee lagu aasaasay, waxaanu yidhi “Anigu Xisbiga KULMIYE waan sii joogayaa..”

Cali Xaamud waxa kale oo uu ka warramay inay dhibaato ka dhalan karto haddii Talada Dalku Cid aan Madaxweynaha ahayn Gacanta u gasho, waxaanu yidhi “Haddii Koox gaar ah oo Dano gaar ah lihi ay saamayn ku yeeshaan Go’aannada Xaasaasiga ah ee Qarankan oo ay keligood sax iyo khalad bam eel marsadaan, halkaa waxa ka dhalaya habkii aynu u codaynay ee ahaa inaynu ku dhaqanno furfurnaan, Talo-wadaag is xaq-dhowr, taasi oo Dastuurku sal u yahay.”

Wasiirka hore wuxuu khudbaddiisa ku soo gebo-gabeeyay hadal uu ugu duur-xulay Wasiirka Xilka kala wareegay, isagoo xusay in Xilka loo Magacaabay xilli muddo-xileedka Xukuumaddu Dabayaaqo yahay, “Riwaayaduhu markay dhamaanayaan ee Heesta u dambaysa socoto, Dadka badhkood dibadda ayay iskaga baxaan, Askariga Albaabka taaganina wuxuu ka hor dhaqaaqaa Dadkii Awoodi waayay inay goostaan Tigidhka ee Dibadda dhaxantu ku dishay (Si ay Heesta u dambaysa u daawadaan), markaa waxaan leeyahay aad baan Xukuumadda ula soo kifaaxay, Xisbigaygii baan u Madax-bannnanahay, waxaan leeyahay ku soo dhawow.”ayuu yidhi.

Comments are closed