Hargaysa 04. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maalintii Sabtidii si Rasmi ah Isaga Casilay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ugu Jira Xisbiga Waddani,Waxaanu Sababta is casilaadiisa ku Sheegay Kadib Markii Xisbiga Waddani aanu u cumaamadin Jagada Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda,Waxaa kale oo Siciid Cilmi Rooble eedaymo kala duwan u soo Jeediyey Gudoomiyaha ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani C.raxmaan Cirro.
Siyaasiyiin iyo Odayaal ay isku raas Yihiin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Jawaab ka bixiyey Aflagaado ay sheegeen qadafka ah ee Xildhibaanku u Jeediyey Gudoomiye Cirro.
https://www.youtube.com/watch?v=RM3bvOAEHbM
