|

” Halganka Aanu Kula Jirno Argagaxisada Waanu Sii Wadaynaa ” Erdogan

Ankara,8,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Turkiga, ayaa Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi isagoo mid mid u gacanqaaday dhibanayaasha oo rayid u badana, isagoo u rajeeyay in Allaha uu bogsiiyo.

Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Istanbul, ayaa sheegay in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, illaa iyo inta laga soo afjarayo.

“Weerarkan argagixiso waxaa lagula kacay kuwii ammaanka mas’uulka ka ahaa, tani maaha wax la cafin karo, qiilna malaha.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Waanu sii wadi doonnaa halganka aanu argagaxisada kula dagaalamayno, illaa aan ka dhameynayno si aanay baqdin ku jirin, isla-markaana.”

Weerarkan, ayaa noqonayo kii afaraad oo ka dhaca Magaalada Istanbul, sanadkan, iyadoo weeraradan looga bartay Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga iyo Ururka Daacish.

.Gudoomiyaha Gobolka Istanbul, Vasip Sahin oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 11 qof, oo toddobo ay yihiin Ciidanka Booliska, halka 36 kalana ay ku dhaawacantay, kuwaa oo saddex ka midda ay xaaladoodu liidato.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Istanbul, ayaa sheegay in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, illaa iyo inta laga soo afjarayo.

Source R M

Comments are closed