|

Halkee Ayey Ku Taalaa Tuulada Ugu Qabawga Badan Adduunku !

Oymyakon 17. January 2017 (SDN/QJ):- Tuulo ku taala dalka Russia oo magceeda la yidhaahdo Oymyakon ayaa la xaqiijiyay inay tahay Tuulada ugu qabaw Adduunka.

Heerkulka tuuladan ayaa la sheegay inuu ka hooseeyo 70 Degree Darajada Eberka, run ahaantii waa qabaw aan qofka caadiga ahi xamilayn.

Tuuladan waxa ku nool 500 oo qof oo kaliya qabawga aadka u badan awgiina waxa dhulka tuuladaasi ka baxaa ma jiraan, dadkuna ma awoodaan inay wax beertaan waayo?, Haddii ay beertaan ma jiro waxa ugu soo baxaya.

Arrinta kale ee aadka u layaabka badan ayaa noqotay in dadka ku nool tuuladani ay cunnaan hillibka Fardaha si ay iskaga caabiyaan qabawga, waxaanay aaminsan yihiin in cunitaanka hillibka farduhu uu yahay mid ka caabinaya qabawgaasi.

Dhinaca kale magaca tuuladan oo ah Oymyakon ayaa macnihiisu uu yahay “Biyaha aan fadhiyin”.

Waxa kale oo aad u layaab badan in xilliga qabawga dadka magaaladaasi ku nooli ay maalintoodu tahay 3 saacadood oo kaliya halka habeenkuna uu yahay 21 saacadood, dhibaatooyinka ugu badan ee soo waajaha dadka tuuladaasi ku nool ayaa waxa ka mid ah inay dhibaato ka soo gaadho isticmaalka Qalinka waxa lagu qoro oo istaaga marka wax lagu qorayo iyo sidoo kale Murraayadaha indhaha ee ay dadku xidhaan oo ku dhega wajiga qofka xidha qabaw awgii, dadka ku nool tuuladaasi ee baabuurta watta ayaan bakhtiin gaadiidka maalintii oo dhan iyaga oo ka cabsi qaba inuu u shaqayn waayo amase istaadhmi waayo.

Comments are closed