|

‘’Hantida u Weyn ee aan Haysto Waa Caafimaadka Maskaxda Waxaan ahay Fariid Waxaan ahay Xidig Telefishan iyo Inaan Guulo ka gaadhay Ganacsiga’’ Madaxweyne Donald Trump oo Ka Gubtay Buug laga Qoray!!

Washington 06. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne Donald Trump iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa si adag uga falceliyey buug laga qoray Caafimaadka madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo Suuq weyn ka helay dalka Maraykanka.

Mr Tillerson ayaa sheegay in aanu Weligii ka shakiyin Caafimaadka Maskaxeed madaxwayne Trump.

Buug laga qoray madaxwayne Trump ayaa lagu sheegay in shaqaalaha aqalka cad ay ka aaminsan yihiin in Mr Donald Trump uu maskax ahaan Caruur yahay.

Buugan oo loogu magacdaray,Fire and Fury “Dab iyo Cadho”: ayaa noqday mid si wayn loo iibsado ,iyada oo ay jirto in madaxwayne Trump uu isku dayay in uu hor istaago daabacaadiis taas oo aan Suurto gelin.

Qoraaga buugga Michael Wolff ayaa sheegay in buugiisu aakhirka sabab u noqon doono inuu xilka dhigo madaxweyne Trump.

Mr Tillerson ayaa u sheegay TV-ga CNN in aanay Jirin Sabab uu Su’aal uga Keeno Caafimaadka iyo Bedqabka Maskaxeed ee Madaxweynihiisa.

Dhanka Kale Madaxweyne Donald Trump oo iska difaacayay dhaliilaha buugani xambaarsan yahay ayaa qoraal uu dhigay bartiisa Tweetarka Waxa isku Tilmaamay inuu yahay Qof Maskax ahaan Caafimaad qaba Isla markaana Fariid ah,hantida ugu qaalisan ee uu haystaana ay Tahay inuu Maskax ahaan Bed qabo,Maadaama uu Guulo waaweyn ka gaadhay Ganacsiga islamarkana uu yahay xidig dhanka telefishanada ah.

Mr Trump ayaa ku dooday in Waxyaabaha ku qoran buugani ay yihiin been abuur la dhoodhoobay isagoo qoraaga buugana ku sifeeyay mid Guuldaraystay.

Madaxwayne Donald Trum ayaa sheegay in Saxaafadda iyo dad kale ay dabada ka riixayeen buugani si sumcaddiisa loo waxyeeleeyo.

Comments are closed